U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Guryo Ku Yaalla Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab ayaa ka kacay guryo ku yaallay xaafadda Kaawo Godey, degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare hantiyeed.

Wararka waxay sheegayaan in Dabkaasi ay ku baseen Afar guri oo ku yaalla xaafaddaasi, sidey inoo sheegeen dadka deegaanka.

Dabkan ayaa ka dhashay sida la sheegay koronto ku jirtay mid kamid ah guryahaasi.

Dadka deegaanka ayaa sameeyay dedaal ku aadan sidii ay dabkan ku damin lahaayeen, iyadoo aysan jirin dabdamis halkaasi gaaray.

Dhammaan agabkii yaalla guryahaasi ayaa baaba’ay, waxayna dadka ku guuleysteen in dabka aanu ka gudbin guryahan.

Goobjoog News