U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Hotel Ku Yaalla Degmada X/weyne Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab Khasaare hantiyeed geystay ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka kacay Hotel lagu magacaabo Big Gate oo ku yaalla degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ku dhaw wadada Via Rome ee degmadaasi.

Dabkaan ayaa ka kacay bakhaar lagu keydiyo Taayeerada gaadiidka, una gudbay Laba qol kale oo ka mid ah Hotelkaasi.

Gudoomiyaha degmada X/weyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay ku guuleysteen daminta dabkaan inta aanu sii faafin.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in markii ay wareysteen maamulka Hotelka ay ku laba shakiyeen waxa uu dabkaasi ka billawday ayna sheegeen in dabkaasi uu ka kacay Koronto ama dab ku jiray Kushiinka raashiinka.

Waaxda dab damiska ee dowladda hoose ayaa ku guuleystay inay damiyaan dabkaasi, isaga oo gudoomiye C/qaadir uu sheegay in aysan jirin khasaare nafeed, sidoo kalena ay sugeen amniga dadka hotelka deganaa naftooda iyo hantidooda intaba.

Dhinaca kale maamulka hotelka Big Gate ee dabkani uu ka kacay weli wax faah faahin ah kama aysan bixin khasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Hotelkooda, inkastoo badi Hotelka aanu dabka ku faafin.

Goobjoog News