U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Isbitaalka Ku Yaal Hiniya Oo Dilay 10-Curuur ah.

Sheeko:Qormooyin

Dab ka kacay isbitaalka galbeedka Hindiya ayaa dilay 10-cunug kuwaas oo ahaa dhalaan ku dheshay goobta, waxaana lasoo bad-baadiyay 7-kale. Dabkan oo ahaa mid xooggan ayaa ka kacay isbitaal lagu magacabo Maharashtra oo kuyaal gobolka ugu qanisan dalka Hindiya kaas 1,000 kiilomitir u jira koonfurta New Delhi.

Mid ka mid ah dhaqaatiirta ayaa warbaahinta u sheegay in ay aad uga xun yihiin qasaaraha nafta iyo maalka ee uu dhaliyay dabka, waxaa uu intaa sii raciyay in ay dareemayaan murugo.

Pramod Khandate, oo ah dhaqtarka qalliinka madaniga ah ee Isbitaalka Guud ee Degmada Bhandara ee gobolka dhaca galbeedka Toddoba ka mid ah 17-ka carruur ah ee ku jira Qeybta Daryeelka Carruurta Dhallaanka ah ayaa la badbaadiyay xili uu lahdalay wakaaladda wararka Reuters.

Chavan oo ka tirsan saraakiisha booliska ayaa soo jeediyay in dabka uu ka dhashay koronto kadib baaritaano lasameeyay.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Narendra Modi Ku qoray bartiisa Twitter-ka. “Fikirkeygu wuxuu lajiraa dhamaan qoysaska murugada leh. Waxaan rajeynayaa in kuwa dhaawacmay ay soo kabtaan sida ugu dhaqsaha badan.”