U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Mid Ka Mid Ah Jaamacadaha Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya xaafadda xamar jadiid ee gobalka banaadir ayaa shegaya in goordhaw dab xooggan uu ka kacay xarun waxbarasho oo ku taalla xaafadda.

Xarunta weyn ee Jaamacadda Caalamiga ah ee Soomaaliya SIU, ayaa la sheegay in uu dab ka kacay goordhaw kaas oo sababay in ay gubato qeyb ka mid ah jaamacadda.

Dabka ayaa la sheegay in uu ka dhashay koronto, taas oo sababtay in uu ku sii fido qeyba ka mid ah Jaamacadda.

Ardayda Jaamacadda ayaa lagu wargeliyay in jaamacadda la fasaxay, mana jirto khasaaro nafeed oo ka dhashay dabka .

Gadiidka dab damiska oo soo gaaray goobta uu dabka ka kacay ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabka ka kacay Jaamacadda.

Goobjoog News