Dab Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Degmada Dharkeenley Ee Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dab habeenkii xalay ahaa ka kacay suuqa degmada Dharkeenley ee loo yaqaano Suuq Boocle, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare hantiyadeed.

Dabkan ayaa ka kacy qeybta Hilibka iyo sidoo kale dhanka makiinadaha Cajiinka, waxaana dabka sahlay inuu faafo sida la sheegay dukaamo ka sameysan cooshado oo halkaasi ku yaallay.

Daminta dabkaan waxaa kaalin ka qaatey gaadiidka dabdamiska oo ay keeneen maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadda Hormuud.

C/fitaax Nuur, guddoomiyaha degmada Dharkeenley ayaa sheegay in ay gubteen dukaamo cabir ahaan ku dhisnaa 300 Mitir.

Khasaaraha maaliyadeed ee halkaasi ka dhashay weli lama shaacin, hase ahaatee sidan oo kale shalay waxaa dab uu uga kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana halkaasi ku gubtey xarumo dhowr ah ee ganacsi.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW