Dab Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Magaalada Baladweyne

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dab khasaare hantiyadeed geystay oo xalay ka kacay suuqa dhexe Yoobsan ee magaalada Baladweyne.

Wararku waxay sheegayaan in mid ka mid ah dukaamada ku yaalla suuqaasi uu dab ka dhashay Koronto ka kacay, waxaana uu ku fiday dukaamo kale walow shacabka ay ka gaareen.

Waxaa ka dhashay dabkani khasaare hantiyeed oo aad u badan balse lama hayo tirada rasmiga ah ee khasaarahan.

Wariyaasheena ku sugan Baladweyne waxay soo sheegayaan in daminta dabkaan ay lahaayeen shacabka Baladweyne, iyadoo halkaasi aan lagu arag cid ka socota maamulka degmadaasi ama kan gobolka Hiiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW