U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Suuqa Bakaaraha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in dab uu ka kacay suuqaasi gaar ahaan nawaaxiga suuqa C/lla Shideeye.

Goob jooge ku sugan halka dabkan uu ka kacay ayaa Goobjoog News u sheegay in dabkan uu ka kacay bakhaar lagu iibiyo Bun Qaxwada, iyadoo la sheegay in Bakhaarkii uu dabka ka bilowday kasii gudbay.

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan waxa sababay in dabkaan uu kaco, wararka qaar ayaa sheegaya in dadbka uu sababay inuu kaco kadib markii Burjiko halkaasi taallay uu dab ka kacay, halka warar kalena ay sheegayaan in dabkaan uu ka bilowday Koronto.

Waxaa halka dabka uu ka kacay gaaray gaadiidka dabdamiska ah, iyadoo ay socoto daminta dabkaasi, walow ganacsatadii halkaasi ka dhoweyd ay bilaabeen in alaabtooda goobtaasi kala baxaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News