U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Xaafadda Furayaasha Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dab sababay khasaare hantiyadeed ayaa saaka ka kacay qeyb kamid ah xaafadda Furayaasha, degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Dabkani ayaa markii hore ka billowday guri halkaa ku yaalla waxaana uu isaga sii gudbay illaa Saddex guri.

Guryaha qaarkood waxaa ku yaalla dukaamo kuwaas oo basbeelay sida ay soo sheegayaan dadka halkaasi ku dhaqan.

Dadweyne fara badan oo halkaa ku xoomay iyo gaadiid dab damis ah ayaa ilaa hadda wada dadaallo lagu daminayo dabkan.

Dadka gurmadka ah ayaa isku dayaya sidii dabka uusan u sii gaarin guryo kale iyadoo hadda uu marayo maadaama Saddax guri uu isaga gudbay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News