U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Xaafadda Soomaalida Ku Badan Tahay Ee Islii, Nairobi

Sheeko:Dalka

Guri ku yaalla xaafadda Islii, magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu soo waramayaa inuu ka kacay dab xooggan.

Dabkan oo illaa iyo haaatan aan la sheegin waxa sababay inuu kaco ayaa wararka waxay tilmaamayaan guriga uu ka kacay ay deganaayeen muwaadiniin Soomaaliyeed.

Kooxaha gurmadka ee dabdamiska oo durba gaaray halka dabka uu ka kacay ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan badi dadkii deganaa gurigan, walow lasoo sheegayo iney weli halkaasi ku xayiran yihiin dad aan tiradooda la shaacin.

Maamulka xaafaddan weli kama aanu hadal dabkaan kacay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News