U bood dhigaalka

Dab Ka Kacay Xero Barakacayaasha ah, Degmada Kaxda oo ay Guryo Badan Ku Gubteen (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

kaxdaDab ka kacay xero dadka barakacayaasha ah ay degenyihiin degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ku basbeeley illaa 50 hoy oo cooshado ka samaysan, waxaana taasi ka dhashay in qoysas badan ay caawo banaanka ku hoyanayaan.

Sida uu Goobjoog u sheegey guddoomiyaha Kaxda Cabdikaamil Shukri, waxaa dabka damiyey gaari dab damis ah oo ay leedahay shirkadda Hormuud, taasina waxa ay gacan ka geysatay in uusan dabka sii faafin.

Xerada waxaa degen illaa boqolaal qoys oo dan yar ah oo ku jira guryo cooshado ka samaysan.

Guddoomiyaha waxa uu sheegey in dabka uusan gaarin xerada inteeda kale, taasi oo haddii ay dhici lahayd masiibada ay intan kasii badan lahayd.

Mid ka mid dumarka gacanta siiya barakacayaasha ayaa illaa 10 teendho ugu deeqdey qoysaskani guryihii ka gubteen, balse inta badan qoysaska waa kuwa caawo banaanka ku hoyanaya.

Guddoomiyaha Kaxda ayaa dabka ku sababeeyey in uu ka kacay shoolad wax lagu karsanayay, wuxuuna intaasi ku daray in mararka ay dabeylaha ka jiraan magaalada ay sidan oo kale dabka u kacaan.

Dhageyso

Goobjoog News