U bood dhigaalka

Dab Khasaare Dhaliyay oo Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Isgoyska Banaadir

Sheeko:Amniga

Dab geystay khasaare xooggan ayaa ka kacay Suuq ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan meel aan ka fogeyn isbitaalka Kalkaal, waxaana Moll-ka lagu magaacaabaa Karam, dabka ayaa ka bilowday qol kamid ah Suuqa, isaga kadib ku faafay qeybo badan oo kamid ah iyo goobo la daris ahaa  suuqa.

Guddoomiyaha degamada Hodan Cali Axmedoo markii dabku kacay la hadlay Goobjoog News isaga oo ku sugan goobta ayaa sheegay in lagu guulaystay in dabka markii dambe la damiyo, isaga oo carabka ku dhubtay in ay soo gurmadeen gawaarida  Dabdamiska gobolka, kuwa shirka Hormuud iyo shacabka degamada Hodan.

Guddoomiyaha ayaa dhanka kale sheegay in aysan jirin khasaare nafeed oo uu geystay Dabka kacay, laakiin ay ku baaba’day hanti ay lahaayeen Muwaadiniin Soomaaliyeed, waxaana ilaa iyo hadda aan la ogeyn sababta ka dambeysay in Dabku  kaco, waxaana soo baxaya warar kale duwan oo ku aadan waxa dhaliyay iyo qaabka.

Goobaha ganacsiga ee ku yaalla  Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa inta badan ka kaca Dab geysta khasaare Hantiyadeen, waxaana sababtiisa loo aaneeyaa Koronto qaraxday iyo Dab meelaha qaar looga tago, waxaana ka dhasha khasaare soo gaara muwaadiniin Soomaaliyeed oo Hantidooda ku waaya halkaas.

Goobjoog News