U bood dhigaalka

Dab Khasaare Dhaliyey oo Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Muqdisho

Sheeko:Caafimaadka

Dab khasaare geystay ayaa habeenimadii xalay waxaa uu ka kacay suuqa weyne ee degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo dhaliyey khasaare u badan burbuur hantiyadeed maadama dhismayaashu ahaayeen Jiingado.

Dabka ayaa ayaa dadka goobjoogayaasha ah waxaa ay sheegeen inuu ka bilowday cilad koronto, qeybta lagu iibiyo dharka, waxaana uu ku faafay gudaha suuqa ilaa halka lagu iibiyo Dahabka oo dacalka ku haayo  qeybta uu ka kacay.

Dabka oo muddo socday ayaa waxaa uu baabi’iyey hanta badan oo ay lahaayeen ganacsatada suuqa gaadiidka Dabdamiska gobolka oo soo gaaray  ayaa ugu dambeyn ku guuleystay daminta dabka, majiro wax khasaare nafeed ah oo laga soo wariyey goobta.

Inta badan Suuqyada magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka kaca dab, kaas oo dhaliya khasaare hantiyadeed  oo aad badan, maadaama dhismayaasha ugu badan ee suuqyada yihiin kuwo ka sameysan Jiingado sahalana uu u faafayo.

Goobjoog News