U bood dhigaalka

Dab Khasaare Geystay Oo Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in saakay dab khasaare geystay uu ka kacay suuq ku yaalla magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Dabkan ayaa ka kacay xarun lagu diyaariyo Macmacaanka, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ugu yaraaan Hal qof ayaa ku dhaawacmay dabkaasi, waxaana sidoo kale gabi ahaanba baaba’ay guud ahaan dukaankii dabka uu ka billowday.

Dadka deegaanka oo kaashanaya maamulka Jubbaland ayaa billaabey iney damiyaan dabkaasi si aanu ugu faafin xarumaha kale ee ganacsiga, iyadoo lasoo sheegayo in lagu guuleystay daminta dabkaasi.

Lama oga khasaaraha hantiyeed ee ka dhashay dukaankan inta uu la egyahay, waxaana dabkan uu yahay midkii ugu horreeyey ee noociisa ah oo ka kaca magaalada Kismaayo tan iyo dhismaha maamulka Jubbaland.

Goobjoog News