U bood dhigaalka

Dab Khasaare Geystay Oo Maanta Ka Kacay Suuq Ku Yaalla Nawaaxiga Isgoyska Banaadir Ee Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Dab khasaare hantiyeed geystay ayaa maanta ka kacay nawaaxiga Isgoyska Banaadir, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadada aada Isbitaalka Digfeer.

Dabkaan ayaa ka kacay makiinad ku shaqeysa Oksajiin, taasi oo lagu bisleeyo Hilibka Digaagga.

Dabka ayaa si degdeg ah ugu faafay jiingad halkaasi ku taallay, waxaana uu usii gudbay xarumo ganacsi oo halkaasi ku yaallay.

Goobjooge ku sugan halka dabka uu ka kacay ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News, in halkaasi ay ku baaba’een hanti badan oo ku jirtay Dukaamada.

Meelaha dabka uu baab’iyay waxaa ka mid ah, Dukaamo, Maqaayado, Farmashiye iyo xarumo kale, kuwaasi oo si saf ah meesha ugu yaalla.

Goobta waxaa gaaray gaadiidka dadbdamiska ah, iyaga oo ugu dambeyn ku guuleystay in dabka ay damiyaan.

Ma jirto khasaare nafeed oo halkaasi ka dhalatay, iyadoo sidoo kale aan la shaacin khasaaraha hantiyeed ee dabkaasi maanta ka dhashay inta uu la egyahay.

Hoos ka daawo sawirada

20150930_111457 20150930_111503 20150930_111507 20150930_111511 20150930_111519 20150930_111523 20150930_111527 20150930_111530 20150930_111521 20150930_111509 20150930_111459 20150930_111453

Sawir Qaade:- Ibraahim Xaaji Yuusuf

Goobjoog News