U bood dhigaalka

Dab Khasaaro Sababay Oo Ka Kacay Gooba Ganacsi Oo Ku Yaalla Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan ayaa sheegay in goordhaw dab xoogan uu ka kacay gooba ganacsi oo ku yaalla degmada.

Dabka ayaa ka kacay gooba ganacsi oo ku yaalla suuqa lagu iibiyo caanaha ee seybiyaano, waxaana wararka ay sheegayaan in dabka oo ka bilawday dukaan lagu iibiyo maciishada noocyadeeda kala duwan uu hadda ku sii fiday goba kale oo ganacsi oo ka agdhaw goobta uu ka bilawday markii hore dabka.

Gaadiidka dabdamiska iyo qaar kamid ah dadweynaha ka agdhaw suuqa ayaa wada dadaallo xoogan oo ay dabka ku daminyaan.

Illa iyo hadda macadda waxa rasmiga ah ee uu ka dhashay dabka, waaana la soo warinaya khasaaro kala duwan oo u badan hanti oo ka dhashay dabka.

Goobjoog News