U bood dhigaalka

Dab Sababay Khasaare Hantiyeed Oo Ka Kacay Magaallo Ku Taalla Galbeedka Australia

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 95 guri ayaa ku baaba’ay kadib markii dab uu ka kacay magaalo ku taalla galbeedka dalka Australia.

Illaa iyo hadda waxaa la la’yahay Saddex ruux  oo ku noolaa  koonfurta Perth, ee dalkaa oo dabku aad u wax yeeleeyey.

Dabeeylo xoogan oo 60-KM saacadiiba jaraya ayaa sii huriyay dabka xoogga leh ee dalkaas ka socda, qubaro dhanka deegaanka ah ayaa sheegay in cabirka sare ee dabku uu gaaray 50m, kaas oo khasaare baaxad leh geysanaya.

Dabka ayaa ku sii faafaya magaalooyin kale oo dalkaa ku yaalla, waxaana maanta la filayaa in cabsiyo hor leh ay soo baxaan sida ay ku waramayaan saraakiil u hadashay dalka Australia.

U qaabilsanaha dalkaas la tacaalidda dabka dhanka galbeed Wayne Gregson ayaa saxaafadda u sheegay in dabka Yarloop uu yahay mid aad u baaxad weyn oo ay ku dadaalayaan in ay damiyaan.

Illaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyey in Afar ka mid ah shaqaalaha dab damiska dhaawac uu soo gaaray  iyadoo baabuur ka mid ah kuwa dabka damiyana gabi ahaanba uu gubtay.

Dabka ayaa cagta mariyey in ka badan 50,000 hectares isagoo khatar ku haya magaalooyin ay ku jiraan Harvey iyo  Preston Beach.

Goobjoog News