U bood dhigaalka

Daba-geed: Ciidamo Dheeraad Ayey u Baahan Tahay Baladweyn

Sheeko:Amniga

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Dabageed ayaa ka haadlay haladal kasoo yeeray xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan ciidamo doowladdu gaysay magaalada Baladweyne laga celiyo.

Yuusuf ayaa dhankiisa xusay in wali ay jirto baahi loo qabo ciidamo dheeraad ah oo la geeyo magaalada, waxaana xusid mudan inuu jiro khilaaf siyaasadeed oo ka taagan magaalada Baladweyne xili uu la hadlaayey laanta BBC-da.

”Ciidamada waxaan u arkaa wax loo baahnaa oo dawladda Hirshabelle ay u baahneed oo cadowga Soomaaliyeed iyo cadowga Hirshabelle ay wax ka qabtaan iyagoo kaashanaaya kuwii horay u joogay waxayna sifaynayaan jidadka.” ayuu yiri.

Yuusuf oo sii hadlaayo ayaa xusay in ciidamada magaalada la geeyey ay iyagu ka cosadeen dowladda dhexe” ”Annaga ayaa dowladda Soomaaliya ka codsanay, Madaxweynaha Hirshabelle iyo aniga ayaa isla ogaa, waana ay ku mahadsantahay dowladda sida ay oga soo jawaabtay dalabkeena waxaana leenahay noo soo badiya” ayuu yiri madaxweyne kuxigeenka maamulka Hirshabeelle.

Hadalka madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa uu imaanayaa iyadoo xukuumadda Soomaaliya shalay kulan golaha wasiirrada ay kulan ku yeesheen Mushdisho lagu amray wasiirka amniga iyo Gaashaandhigga sida ugu dhaqsiyaha badan ay ciidankaas uga soo saaraan magaalada Baladweyne.

Goobjoog News