U bood dhigaalka

Dabaaldegga Guushii Museveni Oo Uganda Ka Socda

Sheeko:Dalka

Yoweri Museveni ayaa mar kale ku guuleystay xilka madaxweyne ee dalka Uganda kadib doorasho qof iyo cod ah oo dalkaasi ka dhacday.

Guddiga doorashada Uganda ayaa shaaca ka qaaday guusha Museveni waxaana durba qeybo ka mid ah dalkaasi ka billowday dabaaldegyo ballaaran.

Museveni ayaa ku guuleystay codad ku dhaw Lix Milyan oo u dhiganta 60.75%, waxaana shaqsigii aadka ula loolamayey ee dhanka mucaaradka ah uu isaguna helay 35% codadkii la tiriyey.

Madaxweyne Museveni ayaa xilkaan sii hayn doona Shanta sano ee soo socota, xilli uu soo maamulayey Ugan 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Midowga Yurub farta ayuu ku goday doorashadii ka dhacday Uganda, waxaana sidoo kale jirta dhaliillo ay jeedinayaan xubnaha mucaaradka ah.

Ammaanka guud ee dalka Uganda waa mid aad loo adkeeyay, waxaana jirta cabsi laga qabo inay dhacaan rabshado wallow taageerayaasha Museveni ay dabaal degayaan.

Goobjoog News