U bood dhigaalka

Dabagal Lagu Sameynayo Shaqada Ka Socota Xafiisyada Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

Xafiiska maamul wanaagga iyo la dagaalanka Musuqa ayaa billaabay dabagal lagu sameynayo dhammaan shaqooyinka ay qabtaan xafiisyada maamulka Puntland ee shacabka loogu adeego.

Agaasimaha guud ee xafiiskaasi Cabdiraxmaan Cali Guureeye ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in ay wadaan qorshe ballaaran oo lagula xisaabtamayo hay’adaha maamulkaasi ka kooban yahay, lana baarayo qaabka shacabka loogu shaqeeyo.

Waxa uu tilmaamay in haatan ay howlo shaqo ah u joogaan magaalada Boosaaso ee gobalka Bariga, qiimeynna lagu sameyn doono xafiisyada maamulkaasi ee ku yaalla Boosaaso.

Sidoo kale Agaasimaha ayaa tilmaamay in la gaaray waqtigii la ogaan lahaa maamul wanaagga iyo sida ay u shaqeeyaan Xafiisyada wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Puntaland, ka dib cabashada dhanka Musuqa ah oo soo badatay.

Inta badan Musuq baahsan ayaa la sheegaa inuu ka jiro xafiisyada kala duwan ee maamulka Puntland, taasi oo keentay in la sameeyo xafiis dabagal ah si loo ogaado heerka Musuqa iyo maamul wanaagga.

Goobjoog News