Dabageed “Looma Dacwoon Karo Al-shabaab”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa sheegay in shacabka B/weyne aanay u dacwad doonan karin Xarakada Al-shabaab.
Waxa uu sheegay guddoomiyaha in cid walbo oo lagu helo in Al-shabaab deegaannada ay ka joogaan Hiiraan u dacwad doonato ay xabsi Saddex bil ah dhigi doonaan, sidoo kalena ku ganaaxi doonaan lacag dhan 5 kun oo doolarka Maraykanka ah.
“Waxaa badatay in loo dacwad doonto Booca, ciidamada amniga waxaan leeyahay ciddii ka baxda B/weyne ee aadda Booca una dacwad doonata nabad diidka muddo Saddex bil ah ayaan xireynaa 5 Kun oo doolarna waa lagu ganaaxayaa” ayuu yiri guddoomiyaha.
Dhanka kale, Dabageed ayaa sheegay in cid walbo aadda deegaannada Al-shabaab maamusho ay deegaannadaasi joogi doonaan ama haddii ay yimaadaan u diyaar garoobaan xabsiga iyo ganaaxa.
B/weyne ayaa caadi ka ah in dadka ay u maxkamad doontaan Xarakada Al-shabaab, ayna aadaan deegaannada Booca iyo Luuq Jeelow ee gobolkaasi.
Goobjoog News
Cxkkpg tyanwf Get viagra fast otc cialis
Fuhpri rbhrqz Drug viagra cialis over the counter 2020
Birera epyldz Cialis free samples rx pharmacy