U bood dhigaalka

Dabageed “Waare Wuxuu Saddex Jeer Ku Fashilmay Qorshe La Igu Dili Lahaa”

Sheeko:Dalka

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, guddoomiyahii gobolka Hiiraan ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare, in Saddex jeer uu soo abaabulay isku day uu sheegay in isaga lagu qaarajin lahaa.

Dabageed ayaa tilmaamay in halka loo yaqaan Lama-galaay uu madaxweyne Waare kasoo abaabulayo qorsheyaashan, isaga oo isku dayaya inuu adeegsado AMISOM, waa siduu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale, Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in dhankooda ay ka foojigan yihiin qorshe walbo oo la doonayo in lagu qaarajiyo.

“Waare Lama-galaay wuxuu markii Saddexaad kasoo abaabulay qorshe la igu qaarajinaa, ama nalagu soo weeraraa, taasna waa ku fashilmay ee waxaan u sheegeynaa cid walbo oo reer Hiiraan ah iney arrintan la socoto”

Dabageed ayaa dhanka kale ugu baaqay xildhibaannada iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Hiiraan iney wada yimaadaan magaalada B/weyne, kana tashadaan aayaha gobolka Hiiraan.

Goobjoog News