U bood dhigaalka

Dabcasar Oo Lagu Xiray Hargeysa, Somaliland

Sheeko:Dalka

Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa magaalada Hargeysa ku xidhay Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xaaji oo loo yaqaanno “Sheekh Dabcasar” , oo ah  shakhisyad aad looga yaqaanno  baraha Bulshada.

Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Dabcasar laga dhex qabtay hotel uu ka deganaa magaalada Hargeysa,  gaar ahaan xaafadda Masallaha oo u dhow garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Dabcasar ayaa muuqaal Live ama Toos ah oo uu ka soo galay shalay bartiisa Facebook,  waxa uu ku sheegay in ay jidh-dil u gaysteen qaar kamid ah ciidamada booliska Somaliland oo kula kulmay Maqaaxi uu ka cunteenaayay isagoo ku jiray tebinta tooska ah ee Facebook.

Laamaha ammaanka ee Somaliland weli kama hadlin Hadhiga Sheekh Dabcasar.

 Sheekh Dabcasar ayaa ah muwaadin Somali-Maraykan ah ayaa ka yimid dalkaasi isagoo magaalada Hargeysa booqasho ugu tagay qaar ka mid ah caruurtiisu oo halkaasi ku nool.

Goobjoog News