U bood dhigaalka

Dabeylo Ku Dhuftay Gobolka Texas Ee Mareykanka

Sheeko:Dalka

Waxaa ka bilowday xeebaha gobolka Texas ee dalka Mareykanka dabeysha lagu magacaabo Harfid taasi oo shalay oo jimco aheyd ku dhufatay xabeehanaan.

Dabeyshaan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay u soo gudubto dhulka bariga ah iyada oo ka soo bilaabaneyso meel u jirta magaalada Corpus Christi 50 Km kagana beegan dhanka bari.

Hay’adaha ku shaqada leh saadaasha hawada ee Maraykanka ayaa waxay ka digayaan in halista ay leedahay dabeyshaan ay keento dhaibaatooyin la xiriira fatahaado.

Dabeyshaan ayaa inta aysan soo gaarin xeebaha Mareykanka ayaa korortay awooddeeda waxayna ku socotaa heer kulka afaraad,sidoo kale dabeyshaan ayaa waxay ku socotaa saacaddii xawaare dhan 215 Km.

Waxaa laga yaabaa in dabeylahaan ay keenaan roobab bdan kuwaas oo ka da’a qaar ka mida gobollada Mareykanka kuwaas oo gaaraya 1.2 Mr.

Sidoo kale waxaa la filayaan inay dabeylahaan keenaan in joogga badda ee Mareykanka uu kordho isaga oo gaaraya in ka bdan 4 Amtaar.