U bood dhigaalka

Dabley Hubeysan oo Dil iyo Dhaawac u Geysatay Darawallo Ku Safreyey Jidka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in habeennimadii xalay dil iyo dhaawac loo geystay darawallo  ku safreysay inta u dhaxeysa Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kadib markii dablay ay waddada u gashay gawaaridan.

Gaawaaridan oo ku sii jeeday Galgaduud ayaa waxaa ay la weeraray xilli ay marayeen inta u dhaxeysa deegaannada Bacda iyo Beergadiid ee gobolka Hiiraan, gawaarida ayaana ahaa Homy ah iyo Kuwa qaada Qudaarta ee Dhaynaha ah.

Qof ku sugan gobolka oo Goobjoog News la hadlay waxaa uu sheegay in weerarka uu ku geeriyooday darawalkii waday Homyda oo ka shaqanayey Muqdisho iyo Gaalkacyo, darawalka waa Sakariye Cabdullahi Caseyr, oo kaas oo lagu Cadaado.

Sida lagu waramay weerarka waxaa uu dhaawac kasoo gaaray dawalkii waday gaariga siday Qudaarta, kaas oo kasoo anbobaxay magaalada Baledweyne kuna siijeeday gobolka Galgaduud ilaa Mudug.

Dhacdooyinkaan dilalka iyo dhaawaa ah ayaa waxaa ay ku lug leeyihiin aan qabiil iyo dil shalay ka dhacay deegaan degmada  Matabaan u jira 120 Km oo lagu magacaabo Labi-bagaase oo lagu dilay ruux kasoo jeeda gobolka Hiiraan.

Goobjoog News