U bood dhigaalka

Dabley Hubeysan Oo Dilal Ka Geystay Duleedka Degmada Laascaanood Ee Gobalka Sool

Sheeko:Dalka

LaascaanoodDabley hubaysan ayaa lagu soo waramayaa in dilal ay ka geysteen degmada Laascaanood ee gobalka Sool, gaar ahaan duleedka Koonfureed ee degmadaasi.

Dilalkaan oo dhacay maanta ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka dambeysay dabley hubaysan markii ay jidka u galeen gaari ay dad shacab ah saarnaayeen, halkaasi oo ay ku dileen Hal qof, sidoo kalena ay dhaawaceen dad kale oo gaariga saarnaa.

Islamarkiiba waxaa la sheegay in dabley kale oo doonaysa ninka la dilay iyo sidoo kale dadka la dhaawacay in ay u aargudaan ayaa iyaguna waxay dileen Laba qof kale oo shacab ah.

Wadarta guud ee Dhimasha waa Seddax Qof, iyadoona dhaawaca uu intaasi ka badan yahay, waxaana taasi ay keentay in xaaladda ay deg deg isku bedashay, waxaana abuurmay xiisad.

Mid ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee maamulka Khaatumo ayaa u xaqiijiyay Goobjoog Fm isaga oo jooga Laascaanood, in hadda ay jiraan Odayaal ku baxay xiisadaan si ay deg deg wax walba ugu dhameeyaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News