U bood dhigaalka

Dabley Hubeysan Oo Nin Darawal Ah Ku Dilay Degmada Afmadow Ee J/hoose

Sheeko:Dalka

Dabley hubeysan ayaa lagu soo waramayaa in degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa darawallada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee halkaasi ka shaqeeya.

Darawalka la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyay Cumareey ayaa la sheegay in isaga oo safar ah uu kusoo dhacay meel lagu qaado lacago hase ahaatee uu ka madax adeegay inuu bixiyo lacagtaasi sidaasina lagu dilay.

Qof ay qaraabo yihiin darawalkaan la dilay, kana gaabsaday magaciisa ayaa Goobjoog News u sheegay in qofkii dilka ka dambeeyay uu goobta ka baxsaday, balse lagu raad joogo.

“Waxaa jirtay degmada Afmadow meel kaliya oo lagu qaado lacagta taasina wuu soo dhiibay, balse ciidan kale oo kuwaasi dhinac uga soo baxay ayaa mar kale lacag Shan Kun Shilin Soomaali ah weydiistay inuu bixiyo isna wuu diiday kadibna waa la dilay”

Darawallada kaxeeya gaadiidka ka shaqeeya gobollada dalka qaarkood ayaa la kulma dhibaatooyin badan, sida dilal, dhaawac iyo dhac loo geysto hantida ay wadaan.

Goobjoog News