U bood dhigaalka

Dabley Weerartay Hoteel Ku Yaalla Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen hoteel ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Hoteelka la weeraray ayaa lagu magacaabaa International Village, waxaana la sheegayaa iney gudaha hoteelka u galeen Shan nin oo hubeysan.

Ragga hoteelkan weerarka ku qaadey ayaa lasoo wariyey iney dileen Labo kamid ah ilaaladii hoteelkaasi.

Warar soo baxaya ayaa sidoo  kale waxay sheegayaan in ciidamada Puntland oo halkaasi gaaray ay dileen Labo kamid ah dableydii hubeysnaa, hase ahaatee weli waxaa socda howlgalka ciidamada Puntland ku doonayaan iney kusoo afjaraan weerarka hoteelkan lagu qaadey.

International Village ee la weeraray waxaa la sheegay iney deggan yihiin mas’uliyiin ka tirsan maamulka Puntland iyo saraakiil ciidan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News