U bood dhigaalka

Dabley Weerartay Hotel Ku Yaalla Caasimadda Wadanka Burkina Faso

Sheeko:Dalka

Dabley hubeysan ayaa weerartay Hotel ku yaalla caasimadda dalka Burkina Faso, ee Ouagadougou halkaasi oo ay ku badnaayeen dad reer Galbeed ah.

Waxaa la xaqiijiey ugu yaraan in halkaasi ay ku dhinteen 20 ruux iyadoo lasoo werinayo in dad lagu dhex heysto Hotelka.

Rag indhuhu ay u xiranyihiin ayaa xoog ku galay Splendid Hotel kadib markii gaari lagu hor qarxiyey, sida ay soo weriyeen dad goobjoogayaal ah.

Agaasimaha Isbitaal weyn oo ku yaalla caasimada  dalka Burkina Faso, ayaa u sheegay saxaafadda in 20 ruux ay geeriyootay 51 kalana dhaawac uu soo gaaray iyadoo dhaawaca qaarna ay aad halis u yihiin.

Weerarkan ka dhacay Ouagadougou, waxa sheegatay koox ka tirsan Al-qaacidada Maqrib .

Dad goobjoogayaal ah ayaa soo weriyey in kooxda weerarka soo qaadday inta aysan hoteelka weerarin kahor ay Galeen goob Kafeyga lagu cabo oo Hoteelka  u dhaw.

Hotelkan la weeraray waxa uu fadhi u ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobay iyo dad reer galbeed ah oo halkaa tamashleyn u imaan jiray.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay maqleyn rasaas xooggan oo u dhaxeysay waardiyaha iyo ragga weerarka geystay.

Splendid Hotel ayaa kuyaalla meel u dhow garoonka caalamiga ah ee Ouagadougou.

Weerarka ayaa wali socda waxaana la xaqiijiyey ragga hotelka weeraray oo aan la sheegin tiradooda ay heystaan dad lagu qiyaasay 30 ruux oo dad reer galbeed ahi ay ku jiraan.

Ciidamada ammaanka dalkaasi ayaa billaabay in ay xoog ku galaan hoteelka si ay dib uga qabsadaan dableyda.

Waxaana ciidamada ammanku nay sheegeen in ay dad soo bad baadiyeen gaaray 33 ruux oo uu ka mid ahaa wasiirka isgaarsiinta dalkaasi.

Madaxweynaha cusub ee dalkaa Kabore ayaa weydiistay dalka Fransiiska in ay ka caawiyaan dhanka sirdoonka iyo Militariga si arrintan loo soo gabagabeeyo.

Goobjoog News