U bood dhigaalka

Cabdiqaadir Dacar “Horomar Wacan Macallin Daadir Amiin”

Sheeko:Cayaaraha

Saxiibada iyo ciyaartooydii hore Soomaaliya ayaa hambalyo dhiirigelin ah u diray macallinka Gobolka Banaadir Daadir Amiin Cali,kaas oo ku guulaystay tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020 oo sanadkii saddexaad lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana 2020 Fiinaalaha wada ciyaaray xidigaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug oo marki ugu horeesay soo gaaray taariikhda heerka ugu danbeeya tartanka Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Kooxaha Gobolka Banaadir iyo Galmudug oo fiinalaha tartanka Maamul Goboleedyada 2020 wada ciyaaray 31-December 22020 ayaa natiijo ahawan ku kala badany barbaro 2-2,balse rigoorayaal wasza kolbka ku hantay xidigaha Gobolka Banaadir.

Daadir Amiin waa macallin aad u fiican waxa uu wax badan hanaanka kooxda Gobolka Banaadir,wuxuuna noqday tababaraha horyaalka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir 2020” waan ugu hambalyaynaa guusha uu gaaray ayuu Goobjoog Sport u sheegay Maxamed Cumar Cabdi oo ah ciyaaryahan ka tirsan kooxda Jubaland.

“Saaxiibkayga Daadir Amiin,Hambalyo waxaad qabatay shaqo adag sanadkii  tagay 2020,waxaad ku guulaystay ilaa saddex koob oo waaweyn,waxayna taas muujinaysaa qibrada iyo xirfada uu lee yahay macallin Daadir Amiin,waxaana u rajaynayaa in mustaqbalka noqdo tababarayaasha Xulalka Da’yarta ee Soomaaliya” ayuu isna Goobjoog Sports u sheegay Qeys Cabdulle Macallin oo ah laacib ka tirsan kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club.

Daadir Amiin waa macallin Dhalinyaro ah oo si weyn ugu soo muuqday ciyaaraha kala duwan ee kubbadda cagta dalka,waa tababare nasiib badan,waxaan u rajaynayaa intaa iyo ka badan in ku guulaysto” ayuu Goobjoog Sports ugu waramay La Taliyaha Maamul Isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadr Muxiidiin Xaaji (Dacar)

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle