Dacwadda Badda Oo Maanta La Gudbinayo, Balse Dhagaysiga Waa Sanadka Dambe

Saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa maanta lagu wadaa in dcwad ka kooban 150 bog ay u gudbiyaan maxkamadda caddaalada adduunka ee Hague ku taala, taasi oo ka dhan ah Kenya oo sheeganaysa dhul badeen Soomaaliya ka tirsan.

Sida uu qabo qaanuunka maxkamadda, dalka dacwadda laga gudbiyey (Kenya) waxa uu heystaa muddo 8 bilood ah laga soo bilaabo marka dalka dacwoonaya (Soomaaliya) uu dacwadda gudbiyo, taasi oo micnaheedu yahay in sanadka dambe bisha Maarso ay bilaabanayso dhagaysiga dacwadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa talaabadan qaadday, iyada oo diidey soojeedin Kenya ka timid oo ahayd in maxkamadda banaanka lagu dhameysto arrimaha.

Sida uu sheegey Axmed Daahir, dhulka ay Kenya sheeganayso ayaa waxa ay qandaraas kula saxiixatay illaa 6 shirkadood oo shidaal baaris ah, kuwaasi oo ay dhamaantood warqado u qoreen, kuna wargaliyeen in dhul ay Soomaaliya leedahay aysan ka hawlgali Karin, 5 ka mid ah ayaa ka baxay dhulkaasi, joojiyeyna shaqadii ay hayeen, balse hal shirkad oo ah tan laga leeyahay dalka Talyaaniga ee Ani ayaa ku hartay.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply to buying cialis cheap Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW