U bood dhigaalka

Dad Badan Oo La Il Daran Cudurka Shuban Biyoodka, Degmada Mahadaay

Sheeko:Caafimaadka

Xarumaha caafimaadka ee Isbitaalka degmada Mahadaay waxaa buux dhaafiyey dad uu soo ritey cudurka shuban biyoodka, kuwaasi oo u badan haween iyo carruur.

In ka badan 30 qof ayaa la il daran xanuunkaan, waxaana qaarkood laga keenay deegaanno ku dhow degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Masโ€™uuliyiinta degmada ayaa sheegay in dedaal badan lagu hayo sidii dadkan loo daweyn lahaa, wallow dawo yari ay halkaasi ka jirto.

Ururuka haweenka degmada Jowhar oo socdaal ku tagey degmada Maahadaay ayaa xarumaha caafimaadka ee degmadaasi waxa ay gaarsiiyeen Saabuun iyo joodariyeyaal loogu talogalay dadka cudurka uu soo ritey.

Saraakiisha caafimaadka ee degmadaasi waxay sheegeen in cudurka dadka uu hayo ay soo badanayaan, islamarkaana aysan hayn dawo dadka lagu daweeyo, iyaga oo ku baaqey in lala soo gaaro dawooyinka Shuban biyoodka loogu talo-galay.

Goobjoog News