U bood dhigaalka

Dad Badan Oo La Xanuunsanaya Cudurka Shuban Biyoodka Degmada Bandiiradley Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka degmada Bandiiradley ee gobalka Mudug ayaa sheegay in ay aad uga sii darayso xaaladda caafimaad ee dadka uu soo ritay cudurka shuban biyoodka, waxaana maamulka uu ku baaqay in dadkaasi lala gaaro gurmad caafimaad.

Gudoomiyaha degmadaasi C/risaaq Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in hal qof uu u dhintay cudurka shuban biyoodka, sidoo kalena ay jiraan dad badan oo cudurkaasi la’il daran.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in ay wadaan dadaallo xoogan oo ay kula tacaalayaan xaaladda caafimaad ee dadkaasi, isaga oo tilmaamay in dadka ay ku wacyi geliyaan nadaafadda.

“Wasaaradda caafimaadka Galmudug Taleefano bes ayaan kula hadalnay, weli gurmad kale ma hayno, xanuunka maalin walba dad badan buu soo ritaa, cid walba ayaan u qeylo qaadnay, waxaana u baahannahay in dadkaan dawooyin lala soo gaaro” ayuu yiri gudoomiyaha.

Wasaaradda caafimaadka maamulka Galmudug ayaa shalay ku dhawaaqday in cudurka shuban biyoodka uu ka dilaacay deegaanno badan oo ka mid ah gobalada Mudug iyo Galgaduud, kuna baaqday in hay’adaha caafimaadka ay garab ka geystaan sidii dadka xanuunsan loo daweyn lahaa.

Goobjoog News