U bood dhigaalka

Dad Badan oo Rayid ah oo Ku Dhintay Weerarro Ka Dhacay Nigeria

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 20 askari iyo in ka badan 40 qof oo rayid ah ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weeraro ka dhacay gobolka Borno, ee waqooyi bari dalka Nigeria.

Dadka deegaanka ayaa waxay sheegeen in koox mintid ah oo ku qalabaysnaa hub culus ay yimaadeen Monguno, oo saldhig u ah hay’adaha Qramada Midoobay ee gargaarka islamarkana ay jiireen oo ay ka awood badiyeen ciidamada dowladda ee goobta ku sugnaa.

Weeraradan oo ka kala dhacay Monguno iyo Nganzai, ayaa ku soo beegmaya maalmo uun ka dib markii koox mintid ah ay 81 qof ku dileeen weerar ay ku qaadeen magaalada Gubio.

Dhammaan sadexda weerar ayaa waxaa masuuliyadooda dusha u ritay koox isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika.

Magaalada Monguno goobjoogayal ayaa waxay sheegeen in dagaalayahanada ay gubeen goob saldhig u ah hay’addaha Qaramada Midoobay ee gargaarka islamarkana ay gubeen saldhig booliis.

Magaalada Nganzai waxay dagaalyahanada ay ku yimaadeen mootooyiin iyo gawaari waxayna halkaasi ku dileen in ka badan 40 qof.

Wararka ayaa sheegaya in boqolaal qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen weeraradani islamarkana waxaa isbatalada ka tira batay dhaawacyada taasi qasab ka dhigtay in dibadda isbataalka la dhigo.

Mintidiintan ayaa warqado ku qornaa luuqada Hausa,u qeybiyay shacabka, iyaga oo uga digayay in ay la shaqeeyaan militariga amaba hay’adaha gargaarka ee caalamiga.

Weeradan ayaa waxaa sidoo kale xaqiijiyay saraakisha Qaramada Midoobey ee aagaasi ku sugan.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dagaalkani u dhaxeeyay militariga iyo dagaalyahanada mintidka ah ee weerarka so qaaday uu socday muddo labo saac ah.

Goobjoog News