U bood dhigaalka

Dad Hor Leh Oo Kasoo Cararay Dagaallada Yemen Ayaa Soo gaaray Boosaaso

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa maanta soo gaaray dad hor leh, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Dadkaan oo tiradooda la sheegay in ay ku dhawday 300 oo qof ayaa doon kasoo raacay Yemen, waxaana ay soo baxeen maalintii shalay ahayd, iyadoo lagu soo dhaweeyay Dekadda magaalada Boosaaso.

Dadkaan ayaa la dejiyay meel ay ku nastaan oo maamulka Puntland ugu talagalay in dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararay dagaallada Yemen ay sii deganaadaan inta laga sii ambabixinayo.

Waxaa dadkani ka muuqanayay rafaad badan iyadoo dadka qaar ay xanuunsanayeen, kuwaasi oo loola cararay goobo caafimaad.

Magaalada Boosaaso waxaa kasoo degay Soomaalidii ugu badneyd ee kasoo cararay dagaallada ka soconaya dalka Yemen, waxaana dadkani u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News