U bood dhigaalka

Dad Itoobiyaan ah oo Ku Nool Boosaaso oo Codsi u Jeediyey Maamulka Puntland

Sheeko:Dalka

BoosaasoDad u dhashay dalka Itoobiya oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa maamulka Puntland ka codsaday in ay dalkoodii ku celiyaan ama ay gurmad lasoo gaaraan.

Dadkani oo inta badan ah xamaalato, siyaabo kala duwana uga shaqeysta Boosaaso ayaa sheegey in shaqo xumo badan ay ku heysato halkaasi, noloshana ay maareyn la’yihiin.

Waxa ay sheegeen in dalkoodiina ay kasoo tageen, Puntland-na aysan waxbo ku heysanin.

Baaqan ayaa imanaya xili dad badan oo Soomaali ah ay meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah ay qaxooti ku yihiin, islamarkaasina ku dhibaateysanyihiin.

Dad badan oo u dhashay dalka Itoobiya ayaa sanad kasta taga magaalooyinka Puntland ee xeebta ku yaala halkaasi oo ay uga sii tahriibaan wadamada Carrabta, iyaga oo Itoobiya oga soo tagay shaqo la’aan. Marka ay u suurogali weyso in ay tahriibaan ayay ka shaqo bilaabaan gudaha Puntland.

Dhageyso

Goobjoog News