U bood dhigaalka

Dad Ka Badan 150 Qof Oo Ku Dhintay Weeraro Ka Dhacay France

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 155 ruux ayaa ku geeriyootay xalay markii weeraro isugu jira ismiidaamin iyo weeraro toos ah caasimadda dalka France ee Paris.

Weeraradan oo aad isgu dhawaa ayaa lala beegsaday dhowr meelood oo kala duwan, waxaana Hal meel oo qura oo xiligaa lagu daawanayey riwaayad oo ku taala bartamaha Paris ku dhintay in kabdan 100 ruux.

Shan goobood ayaa lagu weeraray rasaas fool ka fool ah halka Labada meelood ee kalana loo isticmaalay Qaraxyo.

Booliiska France ayaa sheegay ayaa sheegay in ay dileen todobo dagaal yahan oo weerarka soo qaaday kuwo kalana lagu raad joogo.

Dadka deggan magaladda Paris ayaa loo sheegay in ay guryahooda joogaan inta xaaladda la xakameynayo, waxaana magaladda lagu soo daad gureeyey ciidamo aad u farabadan.

Dalka France ayaa looga dhawaaqay xalad deg deg ah, dadkuna waxa ay ku saganyihiin xaalad cabsi badan sida ay sheegeen muwaadiniin faransiis ah oo Paris ku nool.

Madaxweynaha dalka France ayaa xiliga ay weeraraddu dhacayeen waxa uu daawanayey ciyaar saaxiibtinimo oo u dhaxeysay xulalka qaranka ee France iyo Germany isaga oo durbadiiba goobta lagala cararay.

Madaxweyne Holand ayaa xusay in ay dagaal aan naxariis la heyn la gali doonaan wax uu ugu yeeray Argagixisada.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Obama ayaa sheegey in weerarka aan lagu qaadin oo kaliya dalka France ee lagu qaaday Bini aadanimadda iyo ilbaxnimadda.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska ayaa bartiisa Twiterka soo dhigay erayo kulul oo uu ku cambaareynayo weeradda lagu qaaday Paris.

Weeraradan ayaa dhacay xili 10 bil un laga joogo markii la weeraray xarunta jariiradda Jarle abdo oo xarunteedu tahay magaladda Paris ee dalka France.

Goobjoog News