U bood dhigaalka

Dad Ka Badan 50 Qof Oo Dhaawac Ahaan Loo Geeyay Isbitaalka Madiina

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dhaawac ahaan isbitaalkaasi loo geeyay dad ka badan 50 qof oo kusoo waxyeeloobay weerarkii Hotelka Ambasador.

Wariyeyaal ka tirsan Goobjoog News ayaa tagay Isbitaalkaasi, waxaana saraakiisha caafimadka oo ay la kulmeen ka xog wareysteen dadka la keenay iyo xaaladooda.

Waxay sheegeen saraakiisha in 10 ka mid ah dadkii dhaawaca ahaa guryahooda loo celiyey maadaama dhawacooda fududaa halka dad ka badan 30 la seexiyey.

Qaar ka mid ah dadka dhaawaca ah ayaa la sheegayaa in xaaladooda ay daran tahay.

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray Hoteelka Ambasador ee magaalada Muqdisho, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay Hoteelkaasi.

Goobjoog News