U bood dhigaalka

Dad Ka Barokacay Daadad Ku Dhuftey Baardheere oo Ka Cabanaya In Aanan La Gargaarin (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Sawir Qoys ka barakacaya hareeraha Toga weyn ee BaardheereWaxaa laga deyrinayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin dad ka badan ilaa 2kun oo qoys oo ku barakacay Roobab daadad watey oo ku rogmadey qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Baardheere, iyadoo dhibaatada ugu daran ee qoysaskaasi ay ka cabanayaan ay ugu daran cuno la’aan, hoy la’aan iyo caafimaad darro, kuwaasi oo sii adkeeyeen nolosha qoysaskan oo u badan kuwo dan yar ah.

Cali Maxamuud Cali oo ka mid ah qoysaska faraha badan ee ka barakacay waxyeelada Daadadkii roobabka oo la hadlayey Warbaahinta GOOBJOOG ayaa sheegay dadka ka barakacay guryahooda ku yaaley Xaafadaha uu ku rogmadey biyaha toga weyn ee mara magaalada in ay tiradooda u dhaxeyso 2 kun illaa 2 kun iyo 500 oo qoys, halka ilaa 500 oo gurina laga qaxay

Qoysaskaasi ma haystaan ayuu yiri adeegyadii ay u baahnaayeen, waxaana dhibaatadaasi u sii dheer maciishadda oo cirka isku shareertay, ka dib markii ay istaageen gaadiidkii xamuulka ee soo galayey deegaanka,weli wey adag tahay in guryahii laga barakacay in dib loogu soo laabto.

“Dadka wuu ka qaxey guryahii wey dumeen, musqulahii wey dumeen, kaneeco badan iyo shuban biyoodna wey dilaaceen ,dhibaatadaasi kalena waxaa noo sii dheer maciishada oo cirka isku shareertay wadooyinka oo roobabka ku xirmey dartooda sidaasi awgeedna dadkuna ma haystaan wax nolol ah, waxayna u baahan yihiin in la gargaaro” sidaasi waxaa yiri Axmed Cali.

Sawir Qoysas ka cararaya Daadad Baardheere

Sidoo kale Xabiibo Muxumed Ismaaciil oo ka mid ah haweenka barakacayaasha ah ee waxyeeladu ay ka soo gaartey daadadkii roobka ayaa GOOBJOOG u sheegtay dhibaatada ay qabaan qoysaska ka barakacay guryahooda xilligan in ay ugu weyn tahay hoy la’aan iyo dhamaan daruuriyaadkii bani’aadamka u baahnaa, iyadoo sheegtayna dhibaatadani oo kale in ay ugu dambeysay dabayaaqadii  sanadkii 1997, xilligaasi oo fatahaad ay ka dhacdey qaar ka mid ah xaafaha Baardheere, kuna barakaceen kumanaan Qoys.

 

 

 

Dhageyso

Goobjoog News