U bood dhigaalka

Howl gal lagula dagaalamayo waxyaabaha maanka dooriya oo laga bilaabay Jowhar

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha degmada Jowhar Maxmed Cabdulle Caqiil ayaa sheegay in marna aysan u dul qaadan doonin in gudaha magaladaasi lagu iibiyo waxyaabaha maanka dooriya.

guddoomiyaha oo maanta oo Khamiis ah warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ay sii socon doonaan howl gallada lagula dagalamayo shaqsiyaadka ka beec mushtara waxyaabaha maanka dooriya.

Ciidmada booliska iyo kuwa nabad sugida dowladda Federaalka ayuu sheegay guddoomiyaha degmada Jowhar in maanta ay gacanta ku soo dhigeen ruux la sheegay in uu ka ganacsanayay waxyaabaha maanka dooriya.

Sheekh Axmed Ibraahim oo ah guddoomiyaha maxkamada racfaanka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa cod dheer ku sheegay in ay ka soo hor jeedaan waxyaabaha ay xaaraantinimeysay diinta oo uu ka mid yahay ka ganacsiga maan dooriyaha.

Waxa uu uga baaqay dadka weli ku howlan  ka ganacsiga mukhaadaraadka in ay joojiyaan.