U bood dhigaalka

Hoggaamiya yaasha ShirkadahaTecknolojiyadda ugu Caansan oo Hindiya kasoo jeeda!!

Shirkadii Tecknolojiyadda Mareykanka kuwooda ugu caansan waxaa Madax ka noqday dad kasoo jeeda dalka Hindiya, taas oo Saxaafadda Mareykanka ay maalmahan qorayaan.

Shirkadaha ay dadkan hogaaminayaan waxaa ka mid ah: Goobgle, Microsoft, Adobe iyo shirkado kale oo caalami ah, waxaa la fahmi la’yahay sida Milkiilayaasha shirkadahaas u aamineen dadka ka soo jeeda dalka Hindiya.

Sundar Pichai, waa Madaxa shirkadda Google,   waxaa uu markii hore u shaqeyn jiray  shirkadaha Google Chrome , Chrome OS iyo Google Drive.

Satya Nadella, waa Madaxa shirkadda  Microsoft,  waxaa uu ku soo jeedaa Nadella magaalada Hyderabad, waxaa uu uu heystaa bachelor’s degree  xagga  engineering in electronics.

Nadella  waxaa Master ka heystaa Computer Science Jaamacadda  Wisconsin, Chicago Booth School of Business.

Sanjay Kumar Jha, waa madaxa Global Foundries, Sanjay Kumar Jha  waxaa uu kasoo jeedaa  Bihar, waa Madaxa  Global Foundries,  waxaa uu heystaa PhD in electronics engineering Jaamacadda  Strathclyde, Scotland.

Shantanu Narayen Madaxa, Adobe: Shantanu Narayen oo ina kasoo jeeda  Hyderabad, waxaa uu Madax ka yahay shirkadda Adobe.

9 sano uu shirkadaas ka shaqeynayey waxaa loo magacaabay  Madaxa shirkadda  Adobe,

Narayen waxaa Jaamacadiisa ugu horeysa ka dhameeyay  Osmania University, halka  Masters in computer science  uu ka qaatay Jaamacadda  Green State University, Ohio

Rajeev Suri  Madaxa shirkadda , Nokia, waxaa uu heystaa Khibrad 25 sano ah, waa Madaxa shirkadda Nokia, waxaa uu sidoo kale talooyin kale siiyaa shirkadaha si loo faa’ideysto.