U bood dhigaalka

Dad ku dhaawacmay qaraxii Kismaayo oo Muqdisho la soo gaarsiiyay

Sheeko:War

Waxaa laga dayrinayaa xaaladda caafimaad ilaa 3ruux oo ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo oo la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah dadkii dhaawaca ka soo qaaday Magaalada Kismaayo oo la hadlay Goob-joog FM ayaa tilmaamay in xaalka dadku uu yashay mud gurmad u baahan.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee muqdisho ayaa maanta laga soo dajiyay dhaawacyadan ku waxyeeloobay qarax ismiidaamin ahaa oo jimcihii ka dhacay guriga uu Kismaayo ka deganyahay Iftiin Xasan Baasto.Dhammaan daawacyada waxaa la jiifiyay isbitaalka Madiina, halkaas oo lagu dabiibayo.

Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah xaaska Iftiin Xasan Baasto oo ka mid ahaa dhinacyadii kol hore ku diriray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Qaraxii ka dhacay Kismaayo ayaa waxaa ku geeriyooday todobo qofood oo ay ku jireen caruur uu dhalay Iftiin Xasan Baasto.