U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Dagaal ka Dhacay Soona Kay Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Dagaal dad ku dhinteen ayaa saaka ka dhacay Soona Kay, xaafaddan waa dan guud waxaana deganaa dad guryo ka dhistay markii ad dowladda burburtay.

Dadka dagaalaya waxaa ka mid ah dad ka tirsan dowladda Ciidan iyo shaqaale caadi ah, xabadda ayaa bilaabatay kadib markii ay Ciidamada dowladda bilaabeen dhul burburin.

Dadka qaar waxaa la sheegay in ay xalay qaxeen halka qaarkoodna ay saaka xaafadaha ka baxeen markii xabadda bilaabatay.

Wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in labo qof ay ku dhinteen oo midi haween tahay.

Wixii warar ah kala soco. Goobjoog News