U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Fatahaado Ku Dhuftay Dalka Jarmalka.

Sheeko:Amniga

Inkabadan 85 qof ayaa dhimatay kadib markii fatahaado ay ku dhufteen gobalada NRW iyo RLP ee dalka Jarmalka.

Fatahada ayaa sidoo kale bur bur xooggaan u geeystay  dhamaan deeganada gobaladaas hoostaga gobaladaas, saacadaha soo socda ayaa laga cabsi qabaa in khasaaraha intaa uu sare u dhaafo.

Sawirada iyo muuqalada gobalada go’doonka ku jiro laga soo qaaday ayaa miijinaya gurya iyo gawaari ay qaadeen biyaha.

Korontada ayaa gebi ahaan ka maqan gobalada fatahaadda ay ku dhufatay, inkabadan 1,000 qof ayaa illa iyo iminka la la’yahay.

Goobjoog News