U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Iska Hor Imaad Ka Dhacay Dalka Myanmar

Sheeko:Amniga

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay iska hor imaad ciidamada Myanmar iyo dad shacab ah ku dhex maray magaala ku taalla koonfurta dalkaas.

Iska hor imaadka ayaa ka dhacay magaalada Depayin ee gobolka Sagaing, oo qiyaastii 300km (200 mayl) waqooyiga uga beegan caasimada, Naypyidaw.

Ciidamada Militeriga dalka Mynamar ayaa diiday in ay ka hadlaan dadka ku dhintay iska hor imaadka xilli ciidamada ay sheegen in ay sii wadayaan iska caabinta dadka careysan.

Dalka Myanmar ayaa tan iyo wixii ka dambeyay afgambigii xukunka lagaga tuuray haweeyneydii hogaamineysay dalkaas ee Aung San Suu Kyi bishii February waxaa ka taagna banaanbaxyo rabshada wato oo shacabka ay ku diidan yihiin ciidamada Militeriga .

Goobjoog News