U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Qoryooley

Sheeko:Dalka

labo qof ayaa dhimatay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax bam oo maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa degmada Qoryooleey.

Wararka ka imaanaya degmadaasi ayaa sheegaya in qaraxani lagu tuuray ciidankani oo fadhiyay goob halkaa ku taalla taasi oo keentay khasaare naf iyo Maal leh.

Maamulka degmada oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayuu ku sheegay inay yihiin dad shacab ah isla markaana howlgal ay sameeyeen ciidanka Booliiska ay ku soo qabteen hal qof oo qaraxaasi looga shakisan yahay.

Goobjoog News.