U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Shilal Gawaari oo Ka Dhacay Duleedka Boosaaso

Sheeko:Dalka

Shilal Gawaari oo Sababay Qasaaro Isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ayaa ka dhacay Duleedka Boosaso Gaar ahaan inta udhaxeysa boosaso iyo qardho,

Afar qof ayaa ku dhimatay labo shil oo ka dhacday inta u dhaxeysa Magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, sidaa waxaa Goobjoog News u xaqiijiyay Taliyaha Laanta Ilaalada Wadooyinka Puntland  Maxamed Faniin.

Mid ka mid ah shilalka waxaa isku dhacay  Labo Waaraad, taas oo sababtay in hal qof oo Tabliiq ah iyo todobo kale oo ku dhaawacantay.

Shilka Labaad Baabuur Noaha ah ayaa isku dhacay, shilkan dambe waxaa ku dhintay labo gabdhood iyo ninkii darawalka ahaa, 7 kale oo dhaawac ah ayaa goobta laga qaaday.

Dadkii dhintay waxaa la galiyay Qaboojiye si baaritaan loo sameeyo, dadka dhaawaca ah waxaa laga sheegayaa in qaarkood ay Coma ku jiraan.