U bood dhigaalka

Dad Ku Dhintay Toogasho Ka Dhacday Garoonka Diyaaradaha Florida ee Dalka Mareykanka

Sheeko:Dalka

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhimatay 5-qof  halka ay ku dhaawacmeen 8-kale  is rasaaseyn ka dhacday  Garoonka  Fort Lauderdale ee Hollywood International ee gobolka Florida oo ku yaalla koonfurta dalka Mareykanka.

Shabakadda warbaahinta MSNBC ayaa laga soo xigtay in qof la tuhunsan yahay oo magaciisa yahay Esteban Santiago uu ka dambeeyo dhacdadan foosha xun.

Sentor ka tirsan Florida oo la yiraahdo Whipple Nelson ayaa yiri, “Waxaa laga helay kaar aqoonsiga ciidanka, mana ogin iney faalsto tahay iyo in kale”.

Int ay socotay israsaaseynta ayaa masuuliyiinta dhanka ammiga  garoonka  waxay dadka iskugu geeyeen meelo xadidan si loo yareeyo khasaaraha weerarka .

Garoonkaan ayuu waxa uu ahaa mid inta badan ay ka dhoofi jire ayna ka soo degi jireen dadka dalxiisiyaasha ah oo maalin walba waxaa isticmaali jiray 80-100 kun oo dalxiisayaal ah.

Goobjoog News