U bood dhigaalka

Dad ku geeriyooday qarax miino oo ka dhacay degmada Belad Xaawo

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helaayaa qarax miino oo fiidnimadii xalay ka dhacay maqaaxi ku taalla degmada Belad Xaawo.

Inta la xaqiijiyay saddex qof ayaa ku geeriyootay qaraxaasi waxaana ku dhaawacmay todobo kale oo shacab u badan sida dadka ku dhaqan degmadaasi ay Goobjoog FM u xaqiijiyeen.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Belad Xaawo ayaa sheegay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay badankood ay ahaayeen shacab, waxaana qaraxa kadib goobta howl gallo ka sameeyay ciidamo ka mid ah kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Degmada Belad Xaawo ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay qaraxyo noocan oo kale ah oo lala eegtay askar ku sugneys goobo maqaayado ah.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxan.