U bood dhigaalka

Dad ku sugan duleedka Muqdisho oo cabasho u diray dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Dadka ku nool deegaanka Maaxaay ee duleedka degmada Kaaraan ayaa  ka dalbaday dowladda Federaalka Soomaaliya in ay soo  fara galiso bur burin ay sheegeen in loo gaysanayo guryaha ay ku noolyihiin.

Dadkan oo la soo xiriiray  Goobjoog FM ayaa sheegay in deegaankaasi ay ku nool yihiin ay deganayeen sanado badan.

Waxa ay sheegeen qoysaskani in  shaqsiyaad gaar ah ay  fara galin ku hayaan  deeganaashaha Deegaanka ay ku nool yihiin sanadaha badan.

Cabashada la xiriirta dhulalka ayaa dhowaanahan ku soo badatay magaalada Muqdisho xilli shacab degenaa xaafada Gubadleey ee degmada Kaaraan waxa ayna ka codsadeen dowladda Federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabato ganacsato iibsaday dhulkooda.