U bood dhigaalka

Dad Lagu soo qabtay Howlgallo laga sameeyay Afgooye

Sheeko:Dalka

Maamulka  Dagmada afgooye ee gobalka shabeelada hoose ayaa sheegay in ciidamada amaanka dagmadaasi ay wadaan howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka dagmada

Gudoomiyaha dhanka amaanka dagmadaas  Yuusuf Maxmed Moordow ayaa sheegay in howlgada ugu badan in ay ka sameeyeen wadooyin badan ooka mid ah kuwa isku xira  dagmada afgooye iyo deegaanada hoos yimaada

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in baaritaanadii ciidamada ay sameeyeen xalay ilaa iyo saakay lagu soo qabtay dad gaaraya ilaa iyo todobo.

Waxa uu xusay Gudoomiye ku xigeenkan in dadka ay soo qab qabteen  ay u soo gudbiyeen xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho

Goobjoog News